QM oo uga digtay taliska Myanmar in ay ‘cawaaqib xumo’ kala kulmi doonaan caburinta Dibadbaxayaasha

209
QM oo uga digtay taliska Myanmar in ay 'cawaaqib xumo' kala kulmi doonaan caburinta Dibadbaxayaasha: BBC News

Qaramada Midoobay ayaa uga digtay militariga Myanmar in cawaaqib xumo ay la kulmi doonto caburinta kasta oo naxariis daro ah oo ka socota dibad baxyada looga soo horjeedo afgembiga ee ka socda halkaasi.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Christine Schraner Burgener ayaa tiri “xaquuqda isu imaatin nabadeed waa in si buuxda loo ixtiraamo”.

Helitaanka internetka ee Myanmar ayaa dib loo soo celiyey subaxnimadii Talaadada kadib markii la jaray habeenkii labaad.

Taliska ayaa si joogto ah u xirayay internet-ka si ay isugu dayaan inay u caburiyaan mucaaradka tan iyo afgembigii 1 Febraayo.

Digniinta Ms Schraner Burgener ayaa timid intii lagu guda jiray wadahadal dhanka taleefanka oo Isniintii lala yeeshay ku xigeenka madaxa militariga Soe Win, afhayeen u hadlay UN-ka ayaa yiri.

Ergeyga gaarka ah wuxuu carrabka ku adkeeyay in xiritaanka internet-ka uu “wiiqayo mabaadi’da aasaasiga ah ee dimoqraadiyadda”.

Dalka Myanmar ayaa waxaa ka dhacay mudaaharaadyo maalmo socday kadib afgambigii militariga kaas oo u arkay taliska inqilaabka hogaamiyayaashii la soo doortay, oo ay ku jirto Aung San Suu Kyi oo muddo dheer u ololeyneysay dimuqraadiyada, sababo la xiriira musuqmaasuq la sheegay in lagu sameeyay cod bixiyaasha.

Milatariga ma aysan keenin wax caddeyn ah oo lagu taageerayo sheegashooyinkaas.

SHARE