Weerar ay ku dhinteen 44 qof oo tahriibayaal ah oo ku sugnaa meel ka baxsan caasimadda Liibiya ayaa noqon karta dambi dagaal, sida uu sheegay sarkaal Qaramada Midoobay.
Ugu yaraan 130 qof ayaa ku dhaawacmay weerarka, kaas oo xukuumadda Liibiya ay ku eedeeyday weerar diyaaradeed oo ay ku qaadeen ciidamo daacad u ah dagaalyahanada Janaraal Khalifa Haftar.
Ciidamada Janaraal Xaftar ayaa ku eedeeyeen kooxda dowladda inay duqeynayeen xarunta.
Inta badan dadka dhintay waxaa la aaminsan yahay in ay ka mid yihiin dad ka yimid Saxarana Afrika kuwaas oo isku dayay in ay Liibiya ka gudbaan si ay u gaaraan Yurub.
Kumanaan muhaajiriin ah ayaa lagu hayaa xarumo dowladda Liibiya ay maamusho. Xarunta dhexe ee weerarku ka dhacay salaasadii iyo xogta ku saabsan xaalada ay ku sugnaayeen dadka rayidka ah waxaa loo gudbiyay dhamaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha Liibiya, sida uu ku waramay Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha Michelle Bachelet.
“Weerarkan waxaa laga yaabaa, iyada oo ku xiran tahay duruufaha saxda ah, waxay ay noqon kartaa dembi dagaal,” ayay tiri. Waaa markii labaad ee xaruntaan la duqeeyay, ayay raacisay.
Sidoo kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isbedelay qorshahiisa, wuxuuna ka hadli doonaa xaalada Liibiya ka jirta goor dambe oo maanta ah.
Liibiya ayaa waxaa hareeyay dagaalo iyo kala qaybsanaan tan iyo markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii muddada xukumayay Muammar Gaddafi oo la dilay sanadkii 2011.