Qaramada Midoobay oo sheegtay in muddo 2 bilood gudahood ay ku keeni doonto qorshe loola dan leeyahay in lagu dhex dhexaadiyo kooxaha ku dagaalamada dalka Yemen.
Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Yemen Martin Griffiths, ayaa qorshahan waxaa uu u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib shir ay Ku yeesheen xaruntooda magaalada New York ee dalka Maraykanka.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Yemen Martin Griffiths ayaa Golaha waxaa uu u sheegay in muddo labo bilood gudahood ah qorshe nabadeed ee xal loogu raadinyo mushkiladda dalka Yemen uu Golaha soo hordhigi doono.
Wakiilka ayaa waxaa uu ka dayriyay xaaladda sii adkaanaysa ee ka taagan dalka Yemen.
Waxaa uu sheegay in duqaymaha ka soo cusboonaaday Xudayda ay Sabab u tahay gantaalada Balaastiiga ah ee kooxda Xoothiyiinta ay Ku tuuraan dalka Sacuudi Carabiya.