QM oo ku baaqday in la joojiyo hawlgalada militari ee Yaman

671
QM oo ku baaqday in la joojiyo hawlgalada militari ee Yaman. AP

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Yaman Martin Grifits ayaa ku baaqay in si dhaqso ah  loo joojiyo hawlgalada Milatari ee ay wadaan dhinacyada ku dagaalamaya yaman markii uu dib u qarxay dagaalka u dhaxeeyay kooxda Xuutiga iyo isbaheysiga Sucuudiga.

Dagaal aad u qaraar ayaa dib uga bilowday gobolka Aljawf ee dalka Yaman bsihii la soo dhaafay, waxaana uu dagaalku sii xoogeystay markii kooxda Xuutiga ay todobaadkii  la soo dhaafay ay la wareegtay caasimadda gobolka Aljawf ee Hazem taas oo keentay in duqeymihii Sucuudigu ay dib uga bilowday magaalooyinka iyo tuulooyinka gobolka aljawf ee waqooyiga Yaman.

Heyadda laan qayrta cas ayaa sheegtay in dagaalka dib uga qarxay gobolka Aljawf uu sababay barakaca dad gaaraya 70,000 ama 10 kun oo qoys oo u qaxay gobolka dariska la ah ee Marib.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Yaman Martin Grafits ayaa warfiyeenada ugu sheegay  isaga oo ku sugan gobolka bartahama yaman ku yaal in todobaadkii hore uu jeediyay baaq ku aaddan in la joojiyo colaadda, haddana uu ku celinayo in la joojiyo hawlgalada Milatari. Yaman ma sii sugi karto intaan ka badan ayuu yiri MartinGrifits ergayga Qaramada Midoobay ee Yaman.

Dagaalada ugu dambeeyay ee gobolka  Aljawf ee waqooyiga Yaman ayaa soo afjaray sedex bilood oo xasilooniya tan iyo intii uu bilowday dagaalka Yaman muddo shan sano ka hor. Xasiloonida sadaxda bilood ayaa sare u qaadday rejada laga qabo nabad la gaaro kaddib markii Sucuudiga ay hoos u dhigeen duqeymaha ay geysan jireen, xuutiguna ay  joojiyeen weeraradii gantaalaha iyo diyaaradaha droneka ay ku qaadi jireen boqortooyada Sucuudiga.

Xiisad dib u cusboonaatay ayaa dib usoo celisay gantaalihii ay xuutiga ku garaaci jireen Sucuudiga iyo duqeymaha aargudashada ee Sucuudigu ka fulin jiray Yaman, taas oo muujineysa caqabadaha ay Sucuudigu wajaheyso si ay uga baxdo dagaal dhaqaale badan ka galay oon taageero badan heysan.

Isbaheysiga Sucuudigu hor kacayo oo dalka Yaman farogalin ku sameeyay sannadkiii 2015 si ay  caasimadda Sanca ugu soo celiyaan madaxweynihii la afgambiyay Cabdu rabu Mansuur Haadi . Duqeymaha ay isbaheysiga Sucuudiga ka geysteen Yaman tan iyo sannadkii 2015  ayaa kumanaan dadwyanah ku dilay iskoolo, isbitaallo iyo suuqaqa dalka Yaman , waxaana ay atasi keentay in si weyn ay heyaddaha u dooda xuquuqda aadanaha ay u dhaleeceeyaan isbaheysiga Sucuudiga.