
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa diidey qaraar ay dowladda Mareykanku soo diyaarisay oo lagu doonayo in lagu cambaareeeyo ururka Xamas, ee Falastiiniyiinta ee maamusha marinka Gaza.
Qaraarkan, oo si xoogan u taageeray Israel, ayaa u baahday aqlabiyad saddex-meelood laba meel uu khamiistii ku gudbo kadib codkii hore ee golaha.
Hindise-gelinta ayaa ku guuldareysatay inay ka gudubto bar-tilmaameedka, iyada oo 87 dal ay u codeeyeen 57 boqolkiiba, halka 33 dal ay ka aamuseen.
Codbixintii hore ee u baahnayd aqlabiyad saddex-meelood laba, oo raacay tallaabooyinka habraaca codsadaha ee dowladda Kuwait, ayaa ahaa mid aad ugu dhaw 75-72, halka 26 ka amuuseen.
Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Nikki Haley oo qaraar soo qortay, sidoo kalena aad u difaacda Israel ayaa ku boorisay xubnaha Golaha Qaramada Midoobay in ay u codeeyeen qoraalka Mareykanka ee cambareeyana weerarada Xamaas ee ka dhanka ah Israel. Haley waxa ay sheegtay in natiijada ka soo baxda codeynta uu Mareykanku si dhab ah u qaadanayo.
Ururka Xamaas ayaa hadal ay soo saartay ugu mahadcelisay xubnaha Qaramada Midoobay ee garab istaagay dadka Falastiniyiina ee diiday qararka wax iska caabinta Xamas ee Israel la doonayay in lagu cambaareeyo.
Madaxweyne Trump ayaa shalay u magacaabay Heather Nauert danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay iyadoo beddelaysa Nikki Haley oo aad loogu yaqaano u ololaynta Israel.