Muqdisho (UM) – Waxaa saaka xiran inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. waddada Makkah almukarama ilaa waddada aada garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde ayaa saaka xiran iyadoo lagu arkayo ciidamada dowladda oo gawaari ku gooyay isgoosyada muhiimka ah ee magaalada, baabuurta dadweynahana ka celinaya.
Lama oga sababta loo xiray waddooyinka Muqdisho saaka balse Ciidamada Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa xalay weeraray guriga siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyagoo xabsiga dhigay sidoo kale la sheegay in ay dileen dhawr ka mid ah ilaaladiisa. Sababta ka dambaysa xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur lama oga, iyadoo aysan dowladdu wali ka hadlin.
Shalay ayay ahayd markii xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir uu sheegay inuu dacwad ku soo oogay laba mudane oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, isagoo baarlamaanka ka dalbaday in ay xasaanadda xildhibaanimo ka qaadaan labadaan mudane oo lagu kala magaacaabo Xildhibaan Xasan Macallin iyo Xildhibaan Cabisaabir Shuuriye si loogu sameeyo buu yiri baaris dhammaystiran.
Ummadda Media Online