Qaxooti Soomaaliyeed oo dalka dib loogu soo ciliyay

417

Ururka socdaalka Dowliga ee Qaraamada Midoobay ayaa sheegay 133 Soomaali ah oo ku sugnaa dalka Yeman ay halkaasi ka daadgureeyeen iyagoo loosoo celiyay dalkoodii.

Wakaaladda Wararka ee Turkiga  oo warkan ka soo xigatay masuulka xagga warfaafinta Ururkaasi u qaabilsan ee dalka Yeman ayaa sheegay in dhamaan qaxootiga Soomaalida ah maalintii Isniin aheyd laga daadgureeyay Yeman loona celiyay Soomaaliya,iyadoo laga qaaday Dekedda magaalada Cadan.

Wuxuuna masuulkan intaa raaciyay in ay hay’addu daadgureynta dadkaasi ay kala kaashatay  hay’adda qaxootiga aduunka,waana dufcadii 14-aad ee daadgureynta Qaxootiyada yeman ku suganaa ee dib loogu celiyay wadamadooda.

Ururka Qaxootiga aduunka ee Qaraamada midoobay ayaa hore u sheegay in 100 kun qof Somaali iyo Ethiopian ay dalka Yeman gaareen sanad wax ka yar gudahooda, halka tobanaan qofna ay ku dhinteen mudadii ay tahriibka ahaayeen.

SHARE