Qatar oo Gaadiid ciidan ugu deeqday dowladda Soomaaliya

768

Muqdisho (UM) – Dowlada Qatar ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu deeqday gadiid kuwa gaashaaman oo kuwa dagaalka ah.

Gaadiidkaan ciidan ee dowladda Qatar Soomaaliya ugu deeqday oo gaaraya 68 ayaa lagu wareejiayay Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliya kuwaasi oo si gooni ah loogu tagalalay ciidanka xoogga.

Munaasabad lagu qabtay gudaha Dekedda Muqdisho oo gadiidkaan loogu wareejinayay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Xoogga, danjirayaasha Qatat iyo Turkiga  iyo saraakiil Ciidan oo ka socotay Xoogga dalka iyo dowladda Qatar.

Waxaa goobta ka hadlay Janaraal, Maxamuud al-Qasal oo ka socday ciidanka dalka Qatar isagoo sheegay in Gaadiidaan oo gaaraya 68 kuwa Gaashaaman ah ay ugu talagaleen ciidanka xoogga Soomaaliya.

Sidoo kale taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya Sareeeye Gaas, Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa dowladda Qatar ugu mahadceliyay Gaadiidkaan ay ciidanka xoogga Soomaaliya ugu deeqeen.

Dowladda Qatar oo xiriir dhaw laleh dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horrey u sheegtay in ay qeyb ka noqonayso dib u dhiska ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Qatar waxa ay xiriir dhaw sidoo kale la leedahay dowladda Turkiga oo tababarada iyo qalabaynta ugu badan siisa ciidanka xoogga Soomaaliya.