Micheal Cohen oo ahaa qareenkii gaarka ahaa ee madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa qirtay in uu sameeyay sharci jabin dhinaca maaliyadda ah intii uu socday ololaha doorashada madaxtinimada dalka Maraykanka.
Garyaqaanka ayaa sheegay in uu lacag u bixiyay si uu saameeyn ugu yeesho doorashadii sannadki 2016, isaga oo uu dusha ka hagayay musharax u tartamayay jago sare.
Cohen oo ah 51 jir muddo qreenka gaarka ah u ahaa madaxweyne Trump ayaa maxkamad ku taal Manhatan ka hor caddeeyay in uu galay shan danbi oo kala ah canshuur musuqmaasuqid, sharci darro ah bangi lacag uga helid, iyo in uu ku kacay labo eed oo ah in si an sharci aheyn u maal galiyay ololaha doorashada isaga oo meel sharci darro ah wax ka helay.
Garyaqaanka ayaa laga yaabaa in lagu xukumo afar ilaa shan sano marka xukunku dhaco bisha December.Qirashada qareenkii hore ee Trump ayaa kusoo aadeeysa xilli dhawaan madaxii ololaha maadxweyne Trump Paul Manofort lagu helay danbiyo badan oo ay ka mid tahay wax isbada marin iyo canshuurta oo uusan bixin.
Mar uu garsoorihii dacwadda qaadayay weydiiyay garyaqaankii hore ee Trump in uu lacag bixiyay, ayuu qareenkii hore ee Trump sheegay in isaga oo fulinaya amarka madaxdiisa oo ula jeeday Trump uu 130,000 iyo 150,000 kala siiyay labo dumar ah oo sheegtay in ay gogol dhaaf la sameeyeen maadxweyne Trump si loo aamusiyo oo aysan saameyn ugu yeelan doorashada.
Qirashooyinkaan iyo danbiyadda lagu helay dadka aadka ugu dhaw madaxweyne Trump ayaa laga yaabaa in ay saameeyn ku yeelato madaxweyne Trump.