Qaraxyo 8 qof ay ku dhinteen oo ka dhacay dalka Ciraaq

486

Wararka laga helayo dalka Ciraaq ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta oo Arbaco dalkaasi ay ka dhaceen weeraro Is-miidaamin ah, kuwaasi oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha Hay’adaha Ammaanka dalka Ciraaq ayaa waxaa ay Ku warameen in ugu yaraan 8 qof ay Ku dhinteen halka in ka badan 12 kalena ay Ku dhaacmeen weerar is-miidaamin ah oo ka dhacay Degmada Qaim oo ka tirsan gobalka ay Suniyiintu ay Ku badan yihiin ee dalka Ciraaq.

Weerarka oo ahaa mid Ismiidaamin ahaa ayaa waxaa lagu waramayaa in lala beegsaday bar-Kontorool oo ciidamada ammaanku ay gawaarida Ku baaraan.

Wakaalladda wararka Reuters news agency, ayaa waxaa ay sheegaysaa in barta la weeraray ay Ku badnaayeen malleeshiyaad Shiico ah oo dowladda ka amar-qaata.

SHARE