Qaraxii 14-ka Oktoobar oo Muqdisho laga xusay

874

Muqdisho – Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho munaadabadda kala duwan oo lagu baroor diiqayay sanad guuradii ka soo wareegtay qaraxii argagixiso ee ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho 14kii Oktoobar 2017-kii.

Dad wayne boqalaal ah ayaa isugu soo baxay goobtii qaraxii 14kii Oktoobar ka dhacay kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 500 qof halka in ka badan tiradaas ay ku dhawacmeen, hanti fara badan ay ku burburtay.

Goobta ayaa waxa dadkii isugu soo baxay waxaa kula hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Cumar Maxamuud Maxamed Finish oo halkaasi ka sheekeeyay musabadii maanlintaasi ka dhalatay qaraxii halkaasi ka dhacay.

Qaraxii maanta oo kale 14kii Oktoobar 2017-kii la dhacay Isgooyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa ahaa weerarkii ugu xumaa ee Soomaaliya ka dhaca waxa uuna dadka Soomaaliyeed ku reebay dareen iyo xusuus murgo iyo uur ku taallo ah.

Dowladd Federaalka Soomaaliya iyo khubarada arrimaha amniga ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka dambeysay weerarkasi inkasta oo aysan iyadu ilaa iyo hadda aysan ka hadli.