Qarax weyn oo ruxay Lubnaan

115
78 ruux ayaa ku dhintay Qaraxa weyn ee ruxay Lubnaan. EPA

Ugu yaraan 78 qof ayaa ku dhimatay, 4000 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii uu qarax xooggan ruxay dekadda magaalada Beyrut ee dalka Lubnaan.

Qaraxaan oo burbur xooggan ka geystay qaybo badan oo ka mid ah magaalada Beyruut ayaa waxaa la sheegay in uu sababay keydka curiyaha kiimiko ee Ammonium Nitrate oo bakhaar lagu keydiyay muddo lix sano ah. Kiimikada ayaa miisaankeeda lagu sheegay 2700 oo tan .

Madaxweynaha dalka Lubnaan Misheel Cawn ayaa ku dhawaaqay kulan degdeg ah oo golaha wasiiradu iskugu imaanayaan, iyada oo dalkana lagu soo rogi doono labo todobaad oo xaalad degdeg ah.

Masuuliyiinta dowladda Lubnaan ayaa sheegay inay filayaan in khasaaruhu kordhaan maadaama ay wali hawlwadeenada badbaadinta qodayaan burburka dhismayaasha si ay usoo badbaadiyaan dadka ku go’doonsan dhismayaasha burburay.

Dunida oo idil ayaa laga soo diray farriimo lagu garab istaagayo dalka Lubnaan oo masiibo ay ka dhacday. Kaalmo dhaqaale iyo mid maskaxeed ayaa durbaba loogu yaboohay dalka Lubnaan.

Madaxweyne Trump oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in uu tuhmayo in bam la soo qariyay uu yahay qaraxa waxa sababay.

Dowladda Lubnaan ayaa soo deysay lacag gaareysa 66 Milyan oo Dollar oo wax looga qabanayo musiibada dhacday. Waxa kale oo ay dowladdu ku hanjabtay in si adag loo ciqaabi doono oo sharciga la horkeenayo cid lug ku yeelata qaraxa ruxay magaalada Bayruut.

SHARE