Qarax lala eegtay goob uu ka khudbaynayay ra’iisul wasaaraha Itoobiya (Sawiro)

Wararka laga helayo Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax uu ka dhacay meel uu ka khudbaynaayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Warbaahinta Itooobiya ayaa sheegtay in Qaraxa lagu carqaladeynaayay Khudbadda Abiy Ahmed,islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro yar oo dad ah.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo xaadiray Kumanaan ka mid ah Shacabka Itoobiya,kuwaasoo taageerayay Isbadelka dhaqaallaha ee dhawaan uu ku dhawaaqay Abiy Ahmed.

Boqolaal ka mid ah Ilaaladda Ra’iisul Wasaaraha ayaa hareeyay Abiy Ahmed markii uu qaraxu dhacay lama ogga Nooca Qaraxa.

SHARE