
Qarax loo adeegsaday Gaari lagu soo raray walxaha qarxa ayaa Maanta oo Sabti ah waxaa uu ka dhacay magaallo xeebeedka Alexandria ee dalka Masar.
Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay labo qof oo mid ka mid ah ciidammada booliska dalka Masar, waxaana sidoo kale la sheegay inay ku dhaawacmeen afar qof oo kale oo askar ay ka mid yihiin, sida ay Ku waramayso warbaahinta dalka Masar iyo midda Caalamiga ah.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar ayaa sheegtay in weerarkaani lala eegtay madaxa ciidammada ammaanka magaalada Alexandria kaasi oo sida la sheegay gaari uu sarnaa marayay goobta uu weerarka ka dhacay.
Madaxda Ammaanka magaalada Alexandria, ayaa weerarka Ku tilmaamay inuu ahaa isku day dil oo lala damacsanaa madaxa Ciidamada ammaanka magaalada, hase ahaatee waxaa ay tilmaameen inuu weerarka ka badbaaday.
Warbaahinta dalka Masar ayaa waxaa ay sheegaysaa in sidoo Kale dadka Ku dhintay weerarka lagu qaaday Major General Mostafa al-Nemr, uu dhintay nin daraawal ahaa.
Weerarkan ayaa waxaa uu imaanayaa xili Shalay oo Jimco ahayd madaxwaynaha dalka Masar Cabdulfatax El-siisi uu booqasho lama filaan ah Ku bixiyay Gacanka Sinaay oo ay Ku jiraan dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda Masar iyo Fallaago ka dagaanta Saxaraha Siinay.
انفجار الاسكندرية pic.twitter.com/6UKVa35fKF
— Dalia Abou Omar (@daliaAO) March 24, 2018