War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday ismiidaamin uu saaka aroortii ka dhacay barxada iskool buluusiya ‘’ General Kaahiye’’ ee magaalada Muqdisho.
Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa waxaa fuliyay ruux ku labisnaa Jaakada Qaraxa, waxa uuna is Qarxiyay xili uu dhexda kaga jiray ciidamo ka tirsan Booliska oo goobta ku sugnaa.
Nin isku soo xiray walxaha qarxa, islamarkaana ku lebisnaa dareeska ciidamada ayaa isku qarxiyay gudaha xarunta xilli Askarta ay samaynayaan gaardi ka ciyaar ay ugu diyaargaroobayeen xuska aas-aaska Booliska Soomaaliya oo ku beegan 20-ka December.
“Ciidamada safaf dhaadheer ayay jireen xilliga qaraxa waxayna isku diyaarinayeen xuska 20-ka December,” ayuu yiri Captain Mahad Cisman oo kamid ah Saraakiisha booliska goobta ku sugnaa.
Qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan sida ninka is qarxiyay ugu suurta gashay inuu gudaha galo.
Saraakiisha ayaa sheegay in ku dhawaad 20 Boolis ah ay ku dhaawacmeen weerarka, kaasi oo mas’uuliyadiishu sheegatay Al Shabaab.
Kooxda Al Shabaab waxay sheegtay in ugu 27 Askari oo boolis ah inay ku dishay qaraxa.
Saraakiil iyo Ciidamo farabadan ayaa hadda ku sugan goobta waxaana sidoo kale xiran dhammaan jihooyinka laga galo barxada iskool buluusiya.
Geesta kale, Saraakiisha Booliska ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay Qaraxa.