Qarax gaari oo dad ku laayay dalka Pakistan

518

Ugu yaraan 29 qof  oo ay ku jiraan labo boolis ah ayaa ku dhimatay, afartan kalena waxaa soo gaaray dhaawac, kaddib markii qarax loo isticmaalay baabuur  lala beegsaday goob codad laga dhiibanayay oo ku taalla magaalada Quetta sidaas waxaa sheegay saraakiil ku sugan goobta qaraxu ka dhacay.

Qaraxa oo u muuqday mid ismiidaamin ah ayaa lala eegtay gaari ay leeyihiin ciidanka Booliska dalka Pakistan wax yar uun kaddib markii ay si rasmi ah u furmeen goobaha coddeynta doorashada baarlamaaniga ee dalka Pakistan .

Dawladda islaamiga ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka ka dhacay dalka Pakistaan, sida ay ku baahiyeen bartooda Amaq.

Xaaladda goobaha qaar aya kacsan, ha se ahaate waxay warfidiyeenadu sheegayaan in sidii la filayay ay ka badanyihiin dadka codka dhiibanaya.

Ciidan aad u faro badan ayaa lagu daadiyay goobaha kala gaddisan ee codeyntu ay ka dhaceeyso.

 

SHARE