Ugu yaraan 35 ruux ayaa ku dhimatay labo qarax oo ka dhacay caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad, sida ay sheegeen saraakiishu, waana weerarkii labaad ee dhaca saddex maalmood gudahood.
In kabadan 90 ruux oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxa oo ka dhacay fagaaraha Dhayaaraan oo ku yaalla bartamaha magaalada.
Baqdaad ayay qaraxyadu aad uga dhacayeen tan iyo markii kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ay dhul wayn ka qabsatay dalka Ciraaq sannadkii 2014kii.
Si kastaba ha ahaatee weerarrada ayaa yaraaday tan bishii Disembar markaas oo la jabiyay malayshiyada.
Wasiirka arrimaha dibdda ee Ciraaq ayaa sheegay in laga yaabo in ay dhimashadu intaas ka sii badato maadaama oo maydad hor leh la helayo.
Weerar is qarxin ah oo Sabtidii ka dhacay bar kontorool oo ku taalla waqooyiga caasimadda ayay ku dhinteen shan ruux, sida ay booliisku sheegeen.