Qaramada Midoobey xafiiska u qaabilsan xuquuqda Insaanka ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsn tirada dadka lagu dilay Soomaaliya laga soo bilaabo sandkii 2016 ilaa 2017.
Warbixinta Waxaa lagu sheegay warbixinta in waxyeelo loogu gaystay gudaha Soomaaliya 4,585 qof oo isugu jira dil iyo dhaawac, laga soo bilaabo bishii January 2016 ilaa 14-ka Oktoobar 2017.
Goobaha lagu kala dilay dadkan:
Somaliland: 208 Qof.
Puntland: 413 Qof.
Galmudug: 261 Qof.
HirShabeelle: 269 Qof.
Koofur Galbeed: 735 Qof.
Jubbaland: 434 Qof.
Banaadir: 2,265 Qof.
Gacanta ay ku baxeen dadkan:
Dil Dhaawac
Al Shabaab: 1,233 1,495
Malleeshiyaad: 251 343
Ciidamada maamul goboleedyada: 234 288
Kooxaha aan la garanaynin: 195 233
AMISOM: 95 86
Dadkan waxay ku dhinteen kuna dhaawacmeen qaraxyo, dilal qorsheysan, Duqeymo cirka ah iyo Shilal baabuur oo AMISOM intooda badan gaysatay, waxaana wadarta guud ay gaaraysaa 4,585.
Dhimashada: 2,078, Dhaawaca: 2,507, Afduubka: 729, Xariga: 5,821.
Muqdisho ayaa ah meesha ugu badan ee shacabkan lagu dilay. Qaraxii Zoobe ee dhacay 14-kii October oo kaliya waxaa ku geeriyooday 512 qof, iyadoo boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.
Warbixinta QM ayaa lagu soo beegay iyadoo maanta caalamka laga xusayo 10-ka December, oo loo asteeyay maalinta Xuquuqda Aadanaha, waxaana Soomaaliya safka hore ay ka gashay dilalka xad-gudubyada ugu badan ka dhacaan dunida.