Qaramada midoobay:Madaxda ciidanka Mayanmar waa in ay caddaaladda wajahaan

878

Warbixin xaqiiq raadin ah oo ay soo saartay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka Myanmar ay ku kaceen  xasuuq iyo gabood fallo  ka dhan ah Muslimiinta Rohinga iyo dadka kale ee laga tirade badanyahay.

Guddiga xaqiiqa raadinta oo ay hay`adda xuquuqda aadanaha qaramada midoobay sameysay bishii Maarso sannadki 2017ka ayaa soo ogaaday in ciidanka Myanmar ay ku kaceen falal u dhigmi kara danbiyo dagaal sida uu qabo xeerka caalamiga ah.

Isaga oo kula hadlayay warbaahinta magaalada Geneva ayuu madaxa  guddiga lo xilsaaray baaritaanka waxa uu sheegay in ay soo uruuriyeen xog  gaareeysa 875  oo laga soo helay wareysiyo ay   la yeesheen marqaatiyaal , dhibanayaal, iyo waliba sawirro laga qaaday dayax gacmeedka iyo muuqaalo iyo masawiro la hubiyay.

Warbixinta ayaa si gooni ah farta ugu fiiqday ciidanka milatariga oo ay ku eedeeysay in ay galeen  danbiyo ka dhan ah bini aadaminiada sida gumaad, kufsi , xabsi sharci darro ah, jirdil iyo barakcin.

Saraakiil saresare sida taliyaha guud ee ciidanka Myanmar Min Aung Hlaing ayay warbixintu boorisay in loo maxkamadeeyo danbiyo dagaal oo ka dhacay gobolka waqooyiga rakhine oo laga barakiciyay muslin badan oo u dhashay qowmiyadda Rohinga.

Warbixinta ka soo baxday hey’adda xuquuqul insaanka qaramada midoobay ayaa si weyn loogu dhaliilay hoggaamiyaha Myanmar Aun San Suu Kyi oo la yiri ma aysan adeegsan awoodeeda si ay u baajiso gaboodfalladaan.

Hey’adda qaramada midoobay ee ilaalinta xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in ay magacyada sraakisha sida gaarka ah danbiyada u galay la wadaagi doonto  hey`ad la xisaabtan oo lagu aamini karo, iyada oo intaa ku sii dartay in eedahaan loo gudbiyo maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada dagaalka.