Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa in ka badan 50 xabaal wadareed ka heshay galbeedka dalka jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, kaddib markii bishii lasoo dhaafay laga soo wariyay dilal ka dhacay gobolkaas.
Agaasimaha xaafiiska wada jirka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ee UNJHRO Cabdul caziiz Thioye ayaa sabtidii sheegay in xabaal wadareed kontan gaaraya iyo kuwa keli keli ah laga helay magaalada Yumbi ee galbeedka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.
Baaritaan wadajir ah oo ay sameeyeen heyadda Qaramada Midoobay ee xaquuqul insaanaka xafiiska Kongo iyo ma’suulyitna dalka Koongo ayay sheegeen in la helay xabaalo ay dad badan ku wada aasanyihiin , dadkaas oo dhammaantood la laayay kaddib dagaalo u dhaxeeya qomwiyadda oo ka dhacay gobolka galbeedka dalka Kongo.
Ciidanka ayaa sheegay in jabhado hubeysan ay ciidanka laayeen kaddib hubkooda qaateen.
Xaafiiska Qaramada Midoobay oo soo xiganaya ilo lagu kalsoonyahay ayaa tilmamay in tirada dadka la dilay ay gaareeyso 890 qof oo la dilay intii u dhaxeysay 16 ilaa 18 bisha December ee sannadkii hore.
Dalka Koongo aad aad u ballaaran ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay geystaan jabhadaha hubeysan oo qaab qomwiyado ah u abaabulan, waxaana khasaaro ay ka soo gaaraan dadka rayidka eek u nool gobolada fog fog ee ciidanku ka dheeryahay.