Qaramada Midoobay oo isbaheysiga Sucuudiga ee Yaman dambiyo dagaal ku eedeeysay

925

Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeysay isbaheysiga Sucuudigu horkacayo ee dagaalka ka wada dalka Yaman in ay ku kaceen gaboodfallo  laga yaabo in ay yihiin danbiyo dagaal. Ma jirin isku dayo ama dadaalo lagu yareenayay khasaarha shacabka ka soo gaari karay dagaalka ay hormuudka ka yihiin Sucuudiga iyo Iimaaraadka ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay.

Warbixintaan aan waxba qarin ee talaadadii ay soo saartay  Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in khasaraaha ugu badan ee soo gaaray rayidka ay sababeen duqeymaha cirka ah.  sidoo kale go’adoominta dhanka cirka iyo badda ayaa  suur gal ah in ay jabiyeen sharciga caalamiga ah ee dhawrista xuquuqda aadanaha.

Isbaheysiga sucuudiga oo tan iyo sannadkii 2015 dagaal kula jiray kooxda Xuutiyinta ayaa beeniyay eedaha  ah in ay beegsadaan bartilmaameedyada rayidka ah, laakiin xog ururuin ay sameysay hey`ad madaxbannaan ayaa lagu ogaaday in 16000 oo weerar dhanka circa ah oo la fuliyay ay haleeleen bar-tilmaameedyo aan ciidan aheyn.

Isbitaalo , xaflado aroos ayaa la soo wariyay in ay haleeleen gantaalaha ay soo ridaan diyaaradaha isbaheysiga Sucuudigu horkacayo.

Dalka Yaman ayaa tan intii uu bilawday dagaalka u dhaxeeya isbaheysiga Sucuudiga iyo Xuutiyiinta waxaa marar badan khasaare ka soo gaartay dad rayid ah oo inta badan ku waxyeelooba dhinacyada diririraya dhexdooda.

Hey’adaha gargaarka sida Save the children aya ka dayriyay xaaladda bini aadaminimo iyo gaar ahaan xaaladda caruurta Yaman.Hey’adda ayaa sheegtay in carruur gaareeysa celcelis ahaan 130 ay nafaqo darro iyo macluul u dhintaan maalin kasta.

Ma muuqato in si fudud ay ku dhammaan karto colaadaan oo  Qaramada Midoobay ay sheegtay in ay ku dhinteen dad gaaraya 10, 0000 oo qof tan iyo intii ay bilaabatay colaadda Yaman.