Qaramada Midoobay oo Eritrea ka qaaday cunaqabatayntii hubka ee saarnayd

707
Go'aanka Qaramada Midoobay ay cunaqabatayntii saarnayd dalka Eriteriya uga qaaday ayaa yimid kaddib markii xaalada Gobolka gaar ahaan Eritrea iyo Itoobiya ay heshiis nabadeed kala saxiixdeen, Soomaliya iyo Eritereeya heshiisyo dhanka iskaashiga iyo ammaanka dhexmareen. Sawirka: Google

Muqdisho (UM) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in cunaqabateyntii hubka ee saarnayd dalka Eritrea muddo sagaal sano laga qaado. kadib markii ay ku soo rogeen hey’adda caalamiga ah.

Go’aanka Arabcadii ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa yimid kaddib markii labada dal ee dariska ah ay muujiyeen isu soo dhawaansho sahlay in xiriirkoodu soo hagaago.

Golaha Amniga ayaa soo dhaweeyay xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya labada dal laakiin waxa uu intaa ku daray in Eritrea ay u baahan tahay in ay ku dadaasho sidii ay xiriir ula yeelan lahayd deriskeeda kale ee dalka Jabuuti. Ereteriya iyo Jabuuti ayaa ku jiray murunka ka dhashay xudduudaha tan iyo bishii Juun  ee sanadkii 2008 taas oo horseedday isku dhacyo ciidan oo diley daraasiin ciidan oo Jabuutiyaan ah.

Sanadkii 2009-kii, Qaramada Midoobey waxay ku soo rogtay cunaqabateynta hubka ee waddanka oo dhan, xayiraada socdaalka iyo xayiraad dhaqaale oo dad gaar iyo shirkado saamaysay kadib markii ay ku eedeysay Eritrea inay taageerto kooxaha hubeysan ee Soomaaliya, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab.

Eritrea ayaa beenisay eedeymahaas.

Horaantii sanadkan, Ereteriya iyo Itoobiya waxay kala saxiixdeen heshiis nabadeed kadib muddo tobanaan sano ah oo colaad ba’ani u dhexeysay.

Kaddib heshiiskaas nabadeed, Eritrea waxay weydiisatay QaramadaMidoobay in ay ka qaado xayiraada hubka, iyada oo tilmaamaysa isbeddelka dibloomaasiyadeed ee gobolka.

Sidoo kale xiriirka Soomaaliya iyo Eritereeya ayaa soo hagaagay oo meel wanaagsan hadda maraya kaddib markii madaxweynaha Soomaaliya dalka Eriteriya booqday heshiisyo dhanka dhaqaalaha iyo iskaashiga ahna ay wadda saxiixdeen labada dal.

Soomaaliya ayaa olole wayn u gashay sidii cunaqabataynta hubka ee saarnayd Eriteriya looga qaadi lahaa, iyadoo UN ugu baaqday in laga qaado cunaqabataynta hubka Eriteriya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyya go’aanka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ay cunaqabqabatayntii hubka ee saarnayd Eriteriya uga qaaday.