Qadar oon waxba kasoo qaadin hanjabaadda Sucuudiga

780
Wasiirka arrimaha dibadda Qadar.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Qadar Maxamed Bin Abirahman Althani ayaa gaashaanka u daruuray hanjabaadda Sucuudiga ee ku aadan hubka difaaca cirka ee la sheegay  in Qadar ka iibsaneeyso dalka Ruushka.Hubkaan ayaa  ah gantaalaha la wadi karo ee S400 oo dalka Ruushka lagu farsameeyo.

Wasiirka oo ka hadlayay  waraaq boqorka Sucuudiga uu u qoray madaxweynaha Faransiiska, taas oo uga dalbaday in cadaadiska lagu kordhiyo dalka Qadar oo uu boqorka walaac ka muujiyay in ay helaan hubkaas difaaca cirka.

Boqorka Sucuudiga ayaa laga soo xigtay in uu waraaqda ku yiri “Qadar oo hesha hubkaas waxay khatar ku tahay danaha amni ee dalka Sucuudi Carabiya, Sucuudiguna waxa uu qaadi doonaa tillaabo  kasta oo lagu burburinayo  difaacaas, xitaa mid milatari”.

Wasiirka arrimaha dibadda Qadar ayaa sheegay in warqadaas aysan ku saleysneyn wax sharci ah, gadashada hubka ee Qadarna ay tahay mid u taalla waddanka Qadar, maadaama ay tahay waddan madaxbannaan.Wuxuu sidoo kale sheegay in hanjabaadda Sucuudiga ay jabineyso sharciga golaha iskaashiga khaliijka, iyo xitaa sharciyada caalamiga ah.

“Waa ayaan darro in Qadar loo arko mid xasillooni darro ka shaqeyneysa, iyada oo Qadar aysan khatar amni ku aheyn Sucuudiga “ ayuu sii raaciyay wasiirka arrimaha dibadda Qadar.

Waddamada Qadar iyo Sucuudiga ayaan xiriirkoodu wanaagsaneyn tan iyo markii waddamo gacanka khaliija qaar ay cunaqabateyn kusoo rogeen waddanka Qadar.