Qaasim Suleimani oo Ciraaq lagu dilay

975

Taliyihii ciidanka Qudus ee dalka Iiraan Qaasim Suleimani ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha Baqdaad ee dalka Ciraaq.

General Suleimani ayaa lala dilay Abu Mahdi Almuhandis oo ka tirsanaa madaxda maleyshiyaadka Shiicada Ciraaq.

Afhayeen u hadlay maleyshiyada Shiicada oo lagu magacaabo Ahmed Al Assadi ayaa sheegay in Israel iyo Mareykan ay ka dambeeyaan dilka taliye Qaasim Suleimani iyo Abu Mahdi Almuhandas oo ahaa taliye ku xigeenka maleyshiyaadka Shiicada Ciraaq.

Abu Muhandis ayaa ahaa taliye ku xigeenka maleyshiyaadka shiicada oo horay oo lagu daray ciidanka Ciraaq. Maleyshiyaadkaan ayaa sabab u ahaa dibadbaxyadii ka dhacay safaaradda Mareykanka ee Baqdaad oo lagu go,doomiyay.

Qaasim Suleimani iyo Almuhandis ayaa waxaa haleelay gaarigii ay ku safrayeen gantaal meel u dhow garoonka Baqdaad. Sarkaal Mareykan ah oo isqariyay ayaa wakaaladda wararka Reuters u xaqiijiyay in Pentagon-ka ama wasaaradda difaaca Mareykanka ay ka dambeyso.

General Qaasim Suleimani ayaa ahaa sarkaalka ugu sarreeya hawlgalada ciidamada Iiraan ay dibadda ka wadaan iyo isku xirka ururada ay Iiraan taageerto ee ku kala sugan Ciraaq, Suuriya, Lubnaan iyo Yaman.

Dilka Suleimani ayaa laga yaabaa in ay xiisad weyn ka dhex abuurto Mareykanka iyo Iiraan oo dhawaanahaan xaalad dagaal ku jiray.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Javad Zarif, ayaa ku tilmaamay weerarka “ficil argagixiso caalami ah”, isagoo bartiisa twitterka ku soo qoray in Mareykanka “uu qaadayo mas’uuliyada dhammaan cawaaqib xumada ka dhalan karta weerarkaan”.