Muqdisho (UM) Qaar ka mid ah Madaxweyne ku xigeenada dowlad goboleedyada dalka ayaa si aad ah u soo u dhaweeyay shirka wadatashiga ee uu Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo isugu yeeray hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada.
Maxamed Xaashi Carabey Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug oo la hadlay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in shirkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in laga wadatashado arrimaha dalka iyo miirka Ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in lagama maarmaan ay tahay in laga wada arrinsado dhismaha ciidanka iyo xal u helida dagaal Beeleedyada weli ka jira dalka.
dhankale, Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland Cabdixakiin Cabdullahi Camey oo oo isna la hadlay warbaahinta qaar ayaa soo dhaweeyay shirkan, waxaana uu ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Madaxweynaha dalka mid mudan in la soo dhaweeyo.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado ku qodobadii laga soo saaray shirkii dowlad goboleedyada ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadal qoraal oo ka soo baxay xalay xafiiskii ayaa lagu casuumay dhammaan madaxda dowlad goboleeyada in ay ka soo qaybgalaan shir watashi oo ka dhacaya magaalada Muqdishi inta u dhaxeysa 17- ilaa 18-ka bishaan September.