Qaabkee ra’iisul wasaare Abiy loogu soo dhoweeyay Asmara? (Sawiro)

1490

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.

Ra’iisul wasaaraha ayaa soo dhoweeyay madaxwaynaha dalka Eritrea ayadoo soo dhowayn loo sameeyay ay ahayd mid taariikhi ah.

Baraha Bulshada gaar ahaan sida  Twitter-ka ayaa si wayn ay uga fal ciliyeen booqashada iyo soo dhowaynta ra’iisul wasaaraha.

Safiirka dalka Eritrea u fadhiya dalka Japan ayaa sheegay in soo dhowaynta loo sameeyay Abiy, ay tahay tii ugu waynayd taariikhda dalka Eritrea.