Putin oo taageeray wax ka beddelka lagu sameeyay Dastuurka Ruushka

171
Madaxweyne Putin oo ka hadalaya fadhiga Golaha Aqalka Hoose ee Ruushka xilli ay socotay doodada wax ka beddelka Dastuurka. Reuters

Madaxweynaha dalka Ruushka Vldamir Putin ayaa taageeray in dastuurka dalkaas wax laga beddelo taas oo u ogolaan doonta in uu xukunka sii joogo ilaa 2036.

Putin oo bishii Jannaayo daboolka ka qaaday isbeddel uu ku sameeyay siyaasadda Ruushka iyo dastuurka dalka ayaa  sida uu dastuurku qabo laga sugayaa in uu xukunka ka dego sannadka 2024 marka muddo xileedkiisa labaad ee isxigta oo ah markii afaraad ee uu madaxweyne nooqdo ay dhammaato.

Putin oo u khudbeynayay aqalka hoose ee Duma ayaa taageero u muujiyay wax ka beddelka  dastuurka ee la soo jeediyay  taas oo eber ka soo bilaabeysa muddada uu xil u tartami karo.

Madaxweyne Putin ayaa sheegay in soo jeedintaan ay kaliya suurogali karto marka maxkamadda dastuuriga ay soo saarto xukun tilmaamaya in aysan soo jeedintaan ka horimaaneyn dastuurka dalka.

Putin ayaa tusaale u soo qaatay madaxweynihii hore ee Mareykanka  Franklin D Roosevelt oo afar mar oo isxigta noqday madaxaweynaha dalkaa, waxa uu Putin tilmaamy in xiliyadda dalalku ay xaaladaha adag ay ku jiraan xadidka muddada xil  u tartamidda aysan wax micno ah lahayn.

Waxa uu ku dooday Putin in marka dalalka ay ku jiraan xaalado adag  xasilloonida ay ka muhiimsantahay wax kale, isaga oo intaa sku daray in Ruushku wali ka soo kabsanayo burburkii Midowga Soveit.

Haddii maxkamadda dastuuriga ay meel mariso isbeddelka dastuurka lagu sameynayo, sidoo kalena lagu taageero afti dadweyne oo la qaadayo bisha April, Putin ayaa dalkaas xukui doona labo muddo xileed oo isxigta oo middiiba tahay 6 sano.

Putin ayaa haddii uu ku guuleysto waxa uu dalka Ruushka xukumayaa ilaa iyo 2036 markaas oo uu jiri doono 83 sano.

SHARE