Madaxweyne Vladimir Putin ayaa si wayn ugu guulaystay doorashadii madaxtinimo ee Axaddii ka dhacday dhul waynaha dalka Ruushka.
Mr. Putin ayaa 6 sanno oo kale hogaamin doono Ruushka kaddib markii uu si wayn ugu soo baxay doorashada madaxtinimo oo ahayd doorasho si wayn loo saadaalinayay inuu ku soo bixi doono.
Madaxweyne Putin, oo waddanka xukumayay ilaa sanadkii 1999-kii isagoo marna madaxweyne ah marna Ra’iisal wasaare ah, ayaa helay codadka doorashada boqolkiiba 76, sida lagu shaaciyay natiijada rasmiga ah doorashada.
Hoggaamiyaha ugu wayn mucaaradka, Alexei Navalny, ayaa laga mamnuucay tartanka doorashada.
Mr. Putin oo ka hadlayay isu soo bax ka lagu qabtay magaalada Moscow guushiisa kaddib ayaa sheegay in codbixiyaashu ay garowsadeen “guulihii la gaaray dhawrkii sano ee la soo dhaafay”.