Puntland oo war ka soo saartay dagaal ka dhacay Sool

996

Maamulka Puntland ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan dagaal maanta ka dhacay gobalka Sool.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaano hoos taga magaalada Laascaanood ee gobalka Sool, kaasi oo dhexmaray ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Somaliland.

Warka ay Puntland soo saartay ayaa ka kooban Saddex Baragaraf, oo ay Ku sheegeen in ciidamo Somaliland ay leedahay ay soo weerareen fadhiisin ay leeyihiin kuwa Puntland.

Waxaa ay sheegeen inaysan mas’uul ka ahayn cawaaqib xumada ka dhan Marta duulaankaasi, sida ay warka u dhigeen.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Puntland ay kasoo saartay dagaalkaasi.