Puntland oo ka mamnuucday deegaanadeeda in ay soo galaan mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya

665

Muqdisho (UM) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka mamnuucay shaqaallaha iyo hawl wadeennada madaxtooyadda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay soo galaan deegaanada maamulka Puntland inta ay doorashada madaxtinimada ay socoto.

Shir shalay ay ku yeesheen magaalada Garoowe Guddiga amniga doorashooyinka Puntland ayaa looga hadlay adkaynta ammniga iyo ka hortaga wax kasta oo carqalad iyo amni darro keeni kara inta lagu guda jiro doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Puntland iyadoo laga soo saaray qodobo dhawr ah.

Guddiga ayaa sheeegay in shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya aysan Puntland imaan karin inta doorashooyinku socdaa deegaanada Maamulka Puntland.

“Inta doorashada Puntland dheceyso waxaa la mamnuucay, in ay Puntland soo galaan shaqaalaha dowladda Federaalka, sida Wasiiradda, Agaasimiyaasha, saraakiisha ciidanka iyo howl wadeennada madaxtooyadda dowladda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Guddiga amniga doorashooyinka Puntland.

Guddiga amniga doorashooyinka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in aan la qaban karin wax shir siyaasadeed ah oo aysan maamulka Gobolka Nugaal ogayn.

Waxaa sidoo kale la faray shirkadaha diyaaraha ee Puntland yimaada in ay inta aysan soo bixin soo gudbiyaan liiska rakaabka ay sidaan inta aysan soo duulin.

Lama oga jawaabta dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka bixin doonto arrintaan .

Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee Soomaaliya ayaa inta badan shaqadoodu qeybta ka tahay in ay goobjoog ka noqodaan gacana ka geystaan hannaanka doorashooyinka ka dhacaya Maamulada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya balse lama oga saamaynta ay ku yeelan doonto arrintaan.

Doorashooyinka madaxtinimada dowlad Goboleedka Puntland ayaa filayaa in ay dhacaan bisha Jaanayo ee sanadka cusub ee 2019-ka.