Muqdisho – Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa waxa ay soo dhaweeyeen heshiishkii ay wada gareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta xalay oo tariikhdu ahayd 25 Feb 2021.
Sidoo kale waxay ay soo dhaweeyeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay magaalada Muqdisho, 19kii Feb, ayna oggolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo.
Puntland iyo Jubbaland ayaa sidoo kale ku baaqay in Dowladda Federaalka ka shaqayso dhameystirka wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray, si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar ogol ah, waafaqsanna heshiiskii 17 September, habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dastuurka ku meel gaar ka ah, sida ay ku xuseen qoraal ay soo kala saareen.
Waxa ay sidoo kale<span;> ugu baaqeen Dowladda Federaalka ah inay tixgeliso in saamileeyda Siyaasada iyo musharaxiinta ay ka qeybgaliso daadalada socda ee la xiriira go’aan ka gaarista hanaanka Doorashada.