Prof. Cali Khaliif Galeyr oo geeriyooday

58
Prof. Cali Khaliif Galeyr Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ku geeriyooday Jigjiga.

Muqdisho – Allaha u naxariistee waxaa ku geeriyooday magaalada magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr.

Marxuum Cali Khaliif Galeyr ayaa wararku sheegayaan inuu ku xannusanaa magalada Jigjiga maalmihii u dambeeyay.

Prof. Cali Khaliif ayaa soo noqday Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya dowladdii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan ee sanadkii 2000 ilaa 2001-dii.

SHARE