Baadariga Kaniisadda Katooliga, Pope Francis, ayaa booqanaya qeybo ka mid ah waqooyiga Ciraaq oo ay gacanta ku hayn jireen xoogaga dowladda Islaamiga ah (IS) maalintii seddexaad ee safarkiisa taariikhiga ah ee dalkaasi.
IS ama Daacish ayaa qabsatay gobolka sanadkii 2014, iyadoo bartilmaameedsatay Masiixiyiinta iyo dadka kale ee laga tirada badan yahay.
Masiixiyiinta ayaa soo laabanayay tan iyo markii IS laga adkaaday 2017.
Gelinka dambe ee Axadda Pope-ka wuxuu ku uga qeybgali doonaa garoon kubbadda cagta ee Irbil isoo bax wayn, iyadoo la filayo in ay ka soo qayb galaan 10,000 ku oo ruux.
Waxaa jira cabsi ah in arritaan ay noqon karto dhacdo si wayn u faafisa xanuunka Fayraska Corona.
Ciraaq waxaa si xawli ah ugu kordhay cudurka ‘Covid-19’ aafada ah bishii la soo dhaafay.
Hogaamiyaha Kaniisadda Katooliga oo 84 jir ah iyo inta la socota dhammaantood waa la tallaalay, laakiin Ciraaq ayuu soo gaaray qaybtii ugu horreysay ee daawooyin tallaalka Covid-19 usbuucii la soo dhaafay.
Safarka afarta maalmood ah, oo bilaabmay Jimcihii, waa baadarihii ugu horreeyay ee caalami ah tan iyo markii uu billowday aafada Covid-19 sannad ka hor, iyo booqashadii ugu horreysay abid ee Baariga Kaniisadda Katooliga ku tago dalka.
Qaar ka mid ah kooxaha xagjirka ah ee Shiicada muslimiinta ah ayaa lagu soo waramayaa inay ka soo horjeesteen booqashada, iyagoo soo jeedinaya in socdaalku u dhigmo faragelinta reer galbeedka ee arrimaha dalka. Subaxnimadii hore ee Axada, Pope-ka waxaa lagu soo dhoweeyay markuu soo gaadhay magaalada woqooyiga ku taal ee Irbil madaxa gobolka Kurdistan ee Ciraaq, Nechirvan Barzani.