Paraguay oo safaaraddeeda Israel u rartay Qudus

770

Dowladda Paraguay ayaa maanta safaaraddeeda  ka furtay magaalada Qudus, wuxuuna noqday dalkii saddexaad ee qaada tallaabadan siyaasadeed ee xasaasiga ah.

Benjamin Netanyahu  Ra’iisul wasaraaha Israel, ayaa soo dhoweeyey go’aanka Paraguay.

Madaxweyne Horacio Cartes ayaa xafladdii furitaanka ka sheegay in go’anka saafaraddooda looga soo raray Tel Aviv, loona keenay Qudus, ay tahay “mid taariikhi ah oo xoojineysa xiriirka Paraguay iyo Israel”.

Toddobaadkii tagey, dowladda Mareykanka ayaa noqotay tii ugu horreysay ee safaaraddeeda Israel usoo rarta Qudus, ayada oo madaxwaynaha Maraykanka uu fuliyay ballan-qaadkiisii  ololaha doorashada dalka Maraykanka sanadkii 2016-kii.

Guatemala ayaa safaaraddeedii magaaladaTel Aviv u rartay magaalada barakaysan ee  Qudus,taasi oo maamulka Donald Trump u aqoonsaday inay tahay caasimada Israel.

Go’aanka Trump ugu aqoonsaday magaalada Qudus ayaa waxaa diiday Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Furitaankii safaaradda Maraykanka ee magaalada Qudus ayaa waxaa uu keenay dibadbaxyo ballaaran oo ka dhacay Guud ahaan deegaanada maamulka Falastiiniinta.

Sidoo kale furitaanka safaaradda Maraykanka ee magaalada Qudus ayaa ah mid lagu xasuusan doono xasuuqii ciidamada Israel magaalada Qaza ugu gaysteen Ku dhowaad 70 qof oo ka mid ahaa dibadbaxayaal reer Falastiin ah.

Arrimahan ayaa keenay in Israel iyo Turkiga ay ka dhex abuuranto xiisad cirka isku shareertay oo dhanka diblumaasiyadda ah, ayadoo Turkiga dalkeeda ay ka eriday safiirkii Israel j fadhiyay Turkiga ayadoo Israel-na ay kaga jawaabtay tallaabo taasi la mid ah.