Pakistan: Wasiirka Caddaaladda oo is casilay iyo Banaanbaxyadii oo joogsaday

981

Dibad baxayaal Islaamiyiin ah oo Sabtidii ay isku dhacyo dhex mareen booliska Pakistan, ayaa sheegay inay soo afjarayaan mudaharaadka ka dib markii uu iscasilay wasiirka caddaaladda ee dalkaasi, Zahid Xamid.

Banaanbxayaasha ayaa xiray waddo weyn oo marta Caasimadda Islamabad, waxaana ay dalbanayeen in xilka laga qaado wasiirka oo ay ku eedeeyeen inuu diinta Islaamka ku xadgubay.

Wasiirka ayaa loo haystaa in sharci cusub oo ah kan dhaarinta mas’uuliyiinta uu ka reebay magaca Nebi Maxamed NNKH.

Dad badan ayaa u arkay in dibad-baxyada dhacayay ay muujinayeen caqabaha haysta dowladda Pakistan, ee rayidka ah iyo in kooxaha Islaamiyiinta ah ee mudaharaadka waday ay taageero ka haystaan milateriga Pakistan.

Shakina kuma jiro cidda guulaystay…Dowladdu waxay lumisay wasiirkeedii, waxaana lagu qasbay inay ogolaato dalabaadka dibed-baxayaasha oo ay ka mid yihiin in la sii daayo dadka ay boolisku ka qabqabteen mudaharaadyada iyo inay nadiifiso wadooyinka dalka