Pakistan oo xabsi ku xukuntay Xaafiz Saciid

599
Xaafis Saciid waa madaxa ururka JuD ee fadhigiisuu yahay Pakistan. Sawirka: AP

Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa hoggaamiyaha kooxda JUD Xaafiz Siciid ku ridday shan sano oo xabsi ah sababo la xiriira in uu maalgaliyo argagixisada.

Xaafiz Siciid oo si weyn Hindiya u doondooneyso ayaa la tuhansanyahay in uu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkii sannadkii 2008 lagu qaaday magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.

Maxkamadda u gaarka ah la dagaalanka argagixisada ee magaalada Lahore ee Gobolka Punjab ayaa Arbacada maanta labo xukun oo kala gedisan oo gaaraya shan sano iyo lix bilood ku ridday Xaafiz Siciid. Waxaa kale oo la amray in uu bixiyo ganaax yar oo la kala socday labada xukun.

Xaafiz Siciid ayaa la xiray bishii July ee sanandkii hore waxaana maxkamad loo soo taagay in lacago deeqo ah oo uu helay uu ku maalgaliyay kooxo argagixiso ah sida kooxda Lakshar E Taiba oo ka dambeysay weerarkii Mumbai ee ay ku dhinteen 150 qof sannadkii 2008.

Siciid ayaa dafiray in uu ka dambeeyay wax xiriir ahna uu la leeyahay kooxaha argagixisadaa.