Pakistan ayaa sheegtay in ay soo ridday labo diyaaradood oo kuwa dagaalka Hindiya oo kusoo xadgudbay xuduudeeda hawada dhanka gobolka Kashmiirta ay Pakistan maamusho.
Pakistan ayaa sidoo kale sheegtay in ay xirtay hal duuliye oo Hindi ah. Dhanka kale warbaahinta dalka Hindiya ayaa xaqiijisay in labo diyaaradood oo kuwa dagaalka ee dowladda Hindiya in ay ku burbureen gobolka la isku heysto ee Kashmiir.
Dowladda Hindiya ayaan wax war ah ka soo saarin diyaaradaha ay sheegtay Pakistan in ay soo ridday. Xiisada u dhaxeysa Pakistan iyo Hindiya ayaa dhaawanahaan cirla isku sii shareereysay tan iyo wixii ka danbeeyay weerar ismiidaamin ahaa oo lagu dilay askarta Hindiya oo ku sugnaa gobolka Kashmiir. Hindiya ayaa Pakistan ku eedeysay in ay taageerto kooxda Jeish Mohamed oo weerarka geystay, eeddeyntaas oo ay Pakistan ay beenisay. Hindiya oo ka jawaab celisaa weerarka askarta looga laayay gobolka Kashmiir ayaa weeraro dhanka cirka ah ka geystay dalka Pakistan, inkasta oo Pakistan sheegtay inuusan wax khaasara ah geysan oo ay Hindiya duqeysay dhul cila ah.
Xaaladda xuduudda u dhaxeysa labada dal ayaa kacsan, waxaana magaalooyinka qaar ee ku yaalla Kashmiirta dhanka Hindiya sida caasimadda Srinagar laga joojiyay duulimaadyada rayidka.