Pakistan oo sii daysay duuliyihii Hindiya ee ay haysatay

583

Dowladda Pakistan ayaa sii daysay duuliyihii diyaaradaha Hindiya ee la qabtay kadib markii diyaaradii uu waday lagu soo riday Gobolka Kashmir ee Pakistan ay maamuusho, iyada oo ay jirto xiisad sii kordheysa ee u dhaxeysa labada dal.

Duuliyaha oo lagu magacaabo, Abhinanda Varthaman, ayaa lagu wareejiyay saraakiisha Hindiua meel u dhow xudduudda ay la wadaagto Pakistan ee Wagah.

Goor sii horreysay, duuliyiha uu sheegay in Telefishin Pakistan laga leeyahay inuu “aad u ula cajabay qaabka ay ula dhaqmeen” ciidamada Pakistan.

Raysul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa sheegay in sii deynta duuliyaha la qabtay ay aheyd “baaq nabadeed” oo Hindiya ku aadan.

Hindiya iyo Pakistan – oo labaduba ku haysta hubka Nuyukleerka – ayaa sheegta Gobolka Kashmiir, laakiin mid kasta waxa uu maamulaa qeyb ka mid ah.

Jimcihii Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay in dhacdooyinkii ugu dambeeyay maalmiihii la soo dhaafay” ay Qaranka isku soo dhaweeyeen”.

Xiisadaha u dhaxeeya labada dal ayaa si aad cirka isugu shareertay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Talaadadii, Hindiya waxay qaadday weeraro cirka ah oo ay ku sheegtay in ay la beegsatay xero koox mintidiin ah ee ku taalla Pakistan oo jawaab u ah weerar ismiidaamin ah oo dilay ugu yaraan 40 askari oo Hindi ah oo ka soo jeeda Gobolka Hindiya Kashmir 14kii Febraayo.

Koox fadhigeedu yahay Pakistaan ​​ayaa sheegtay in ay fulisay weerarka – oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee dhacay muddo saddexda sano ah ee kacdoonka ka dhanka ah xukunka Hindiya ee Gobolka Kashmir.

Pakistan – oo beenisay eedeymaha ku aaddan weerarkii 14-kii Febraayo – ayaa sheegtay in aysan u furnayn waddo kale oo ka ahayn in ay aargudato ka weerarrada cirka ah ee Hindiya iyadoo ku qaaday weerar cirka ah Arbacadii. Taasi waxay keentay dagaal iyo diyaaradaha dagaalka ee Hindiya oo lagu soo riday Gobolka Kashmiir oo ay Pakistan oo ay maamusho.

Hindiya iyo Pakistan waxay dhexmaray saddex dagaall tan iyo markii ay madax banaanida ka qaateen gumaystihii Ingiriiska iyo markii Pakistan Hindiya ka go’day 1947-kii. Dhammaan mid ayaa ku saabsanaa Gobolka Kashmiir.

Kumanan ciidamo ah ayaa wali ku sugan labada dhinad ee xuduuda Gobolla lagu muransan yahay.