Islamabad – Wafdi ka socda kooxda Taliban oo uu hoggaaminayo Abdulghani Baradar ayaa maanta tagaya dalka Pakistan si ay qayb uga noqdaan dadaalada dib loogu bilaabayo wadahadaladii nabadda Afghanistaan oo in muddo ah hakad ku jiray.
Afhayeenka Talibaan Suhail Shaheen ayaa warkaan ku qoray barta Twitter-ka isaga oo intaa ku daray in wafdigu ay wadahadallo dhinacyo badan taabanya la yeelan doonaan saraakiil ka tirsan dowladda Pakistan.
Sarkaal ka tirsan Taliban oo ka gabasday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in wafdiga Taliban ay hoggaanka Pakistan u sheegi doonaan waxyaabaha fashiliyay wadahadaladii hore ee Maraykanka la yeesheen,kuwaas oo looga gol lahaa in lagu gaaro heshiis Maraykanka iyo dalalka kale u ogolaanaya in ay si nabad ah uga baxaan dalka Afghanistaan, taas oo Taliban ay ku badalaneyso damaanad amni .
Bilihii ka dambeeyay tan iyo markii uu Madaxweyne Trump si lama filaan ah u joojiyay wadahadaladii nabadda Afghanistaan ayaa Hoggaamiye Mullah Baradaar oo wax ka asaasay Talibaan waxa uu safarro ku kala tagay Ruushka, Shiinaha, iyo Iiraan.
Safarka Mulah Baradaar ee dalka Pakistan ayaa imaanaya iyada oo u qaybsanaha Maraykanka ee wadahadalada Taliban Zalmay Khalili Zaad uu ku suganyahay dalka Pakistan isaga oo wadahadal la leh hoggaanka milatari iyo kan siyaasadda Pakistan.
Zalmay Khalil Zad u qaybsanaha Maraykanka ee wadahadalka nabadda oo talaadadii gaaray Pakistan ayaa la tashi daba socda kulankii Madaxweyne Trump iyo Ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan ee Qaramada Midoobay la yeelanaya hoggaanka ciidanka iyo siyaasadda Pakistan. Zalmay ayaa lagu wadaa in uu la kulmo wafdiga Taliban oo maanta gaaray Pakistan.
Sarkaal ka tirsan Taliban ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay dabasocdaan hadal uu horay u yiri Ra’iisul wasaaraha Pakistaan kaas oo ahaa in uu Madaxweyne Trump ka dhaadhicin doono dib in loo ambaqaado wadahadalkii la joojiyay.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si lama filaan ah u joojiyay wadahadalkii Maraykanka iyo Taliban kaddib markii weerar lagu qaaday magaalada Kabul ay sheegatay kooxda Taliban.Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay 11 qof oo uu ku jiro askari Maraykana ah.