Pakistan oo Gobol u aqoonsanaysa qeyb ka mid ah dhulka lagu muransanyahay ee Kashmiir

75
Ra'iisul Wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan ayaa wacad ku maray in dowladdiisa ay siin doonto Gobolnimada qayb ka mid ah dhulka lagu muransanyahay ee Kashmiir. Arrintaan ayaa keentay falcelin ka timaada New Delhi oo si weyn u cambaareysay.

Gobolka istraatiijiga ah ee  Gilgit Baltistan ee dhaca xadka Afghanistaan iyo Shiinaha ayaa dadka ku nool ay gaarayaan labo Milyan.

Pakistan iyo Hindiya ayaa labo dagaal oo ka mid ah sedexda dagaal ee dhexmaray waxa uu ka dhacay buuraleyda Kashmiir oo labadooda midba qayb heysato.

Axaddii Imran Khan ayaa dadweynaha kula hadlay isa soo bax ka dhacay magaalada Gilgit ee caasimadda Gilgit Baltistan oo ka tirsan Gobolka Kashmiir. Doorasho ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo Gobolkaan dabayaaqada bishaan.

Gobolkaan ayaa qayb ka ah mashruuca dhaqaalaha ee Shiinaha iyo Pakistan ee ku kacaya 60 Bilyan oo Dollar. Mucaaradka Pakistan ayaan Gobolnimada la siiyo Gilgit Baltistaan si weyn uga soo horjeedin maadaama ay tahay mabda qaran.

SHARE