Dibadbaxayaal Pakistaaniyiin ah oo ka tirsan xisbiga TLP ayaa bilaabay socdaal dheer oo ka bilawday magaalada Lahore ee Bariga Pakistan, kuna wajahan caasimadda Islamabad .Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in ay la eryo xiriirkana loo jaro dalka Holland sabab la xiriirta qabashaad tartan lagu soo bandhigayo masawiro lagu aflaagaadeyno xurmada Nabi Muxumed NNH.
Tartankaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay siyaasiga midigta fog ee dalka Holland oo lagu magacaabo Geert Wilders.
Mudaraahdayaasha xisbiga TLP ayaa ku hanjabay in ay guud ahaan go`doomin doonaan magaalada caasimadda ah ee Islaamabad haddii aan la aqbalin dalabkooda oo aan la eryin safiirka dalka Holland.
Ammaanka guud ee Islaamabad ayaa la xoojiyay, iyada oo ciidanka ay sameeyn dhawr bar oo looga hortagayo dadka mudaharaadaya in ay soo gaaraan caasimadda.
Masawiro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya mudaharaadayaasha oo iska wareejinaya baabuur wadada lagu gooyay si aysan usii wadan socdaalkooda ay ugu wajahanyihiin caasimadda dalka Pakitsan.
Dawladda Holland ayaa iska fogeysay in ay wax lug ah ku leedahay tartanka, iyada oo intaa ku dartay in dawladda Holland aysan dadka ka hor istaagi karin xoriyadda hadalka.
Wasiirka arrimaha dibadda Holland Stef Blok ayaa sheegay in dalka Holland uu si weyn ugu hoggansanyahay xoriyadda hadalka, si taa la mid ahna ay ka go’antahay in diimaha loola dhaqmo si ixtiraam ku dheehanyahay.
Siyaasiga midigta fog ee tartanka qabanqaabinaya ayaa sheegay in tartanka aan loo qaban in lagu kiciyo dadka, laakiin se la muujiyo in aan u halgameyno xorriyadda hadalka.
Talaadadii booliiska dalka Holland ayaa xiray nin la sheegay in uu qorsheynayay in uu dilo siyaasiga tartanka dartiis.
Xisbiga TLP ayaa soo shaac baxay bishii November ee sanadkii hore , kaddib markii aasaasaha xisbiga wadaadka lagu magacaabo Khadim Hussein Rizwi uu hoggaamiyay dibadbaxyo qaatay saddax todobaad oo ka dhan ah wax ka badalka sharciga u gafidda diinta . Dibadbaxyada ayaa sababay in ay gabi ahaanba xirmato magaalada Islaamabad, wallow ay dib u furantay, markii ay dawladda Pakistaan ka noqotay wax ka badalista sharciga u gefidda diinta.