Muqdisho (UM) – Dhallinyaro iskood isku abaabulay ayaa saaka Olole Nadaafadeed oo lagu nadiifinayo goobtii qaraxii musiibada ahaa uu ka dhacay sabtii ee isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa dhallinyaradaan kala qeyb qaatay hawlaha Nadaafadeed ee ay ka wadaan Isgoyska Soobe.
Sidoo kale Ciidamada Booliiska iyo Militariga Soomaaliyed ayaa qeyb ka ahaa Ololaha iyo hawlaha lagu baadi goobayo dadka wali la’yahay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa bartiisa Twitterka uga mahaceliyay Dhallinyarada Soomaaliyeed ee is abaabulay ee hawlaha Nadaafadeed ka bilaabay goobtii qaraxu samaynta Xoogga leh uu ku yeeshay.
Qaraxii sabtii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ku dhintay in ka badan 250 ruux halka 300 in ka badan ay ku dhawacmeen.
Waxa ka socda magaalada Muqdisho Baroor Diiq Qaran oo seddex maalmood ah oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku dhawaaqday sabtidii.
Sidoo kale waxa socda Gurmad kale duwan oo loo fidinayo shacabkii dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii wuxushnimada ahaa. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga furay xarunta Gurmadka Qaran oo loogu talagalay in laga agaasimo hawlaha Gurmadka iyo baafinta dadka eheladooda raadinaya ee qaraxii ku wayay.
Xaquuqda Sawirada: Cali Cabdi Ducaale