Guddoomiyaha Gobolka Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng. Yarisow ayaa maanta daahfuray Ololaha Taakulo ee bisha Ramadaan oo lagu caawinayo dadka nugul ee ku nool magaalada Muqdisho.
Olalahaan wajigiisa 1-aad ayaa waxaa la sheegay in uu socon doono ilaa 14 ka May, 2018, halka wajigiisa 2 aadna uu bilaaban doono 20 ka May, 2018 ilaa inta laga gaarayo Ciidul Fidriga.
“Sida ay na farayso Shareecada Islaamka, Waxaa mar walba waajib ku ah ummadda Muslimka in ay is-kaalmeyso dhaxdeeda iyadoo gacan kaalmo la siinaayo qaybaha bulshada ee dhibaateysan. Bisha Ramadaan oo ay xilligaan nooga harsan tahay wax ka yar 3dex asbuuc, Waxaa muhiim ah in la TAAKULEEYO walaalaha Muslimiinta Soomaaliyeed ee aan awoodin helista Afurta bisha Ramadaanka.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, Guddoomiyaha gobalka Banaadir.
Sidaas darteed, Waxa uu maamulka Gobolka Benaadir isagoo kaashanaya qaybaha kala ah;
- Bulsho weynta Soomaaliyeed ee 17 ka degmo ee G/Banaadir
- Hey’daha dawladda ee heer fadaraal iyo Maamulka Gobolka
- Ganacsatada
- jamciyadaha Kheyriga ah iyo kuwa Waxbarashada sida dugsiyada iyo Jaamacadaha
- Qurbo joogta Soomaaliyeed
- Safaaradaha wadamada adduunka ee xarumaha ku leh Muqdisho.