Obama oo gaaray magaalada Nairobi (Sawiro)

985

Madaxwaynihii hore ee dalka Maraykanka Barrack Xuseen Obama, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayadoo uu soo dhaweeyay Madaxwayne  Uhuru Kenyatta.

Mr. Obama oo ah Madaxweynihi 44-aad Mareynkanka ayaa gelinkii dambe ee maanta oo Axad ah Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku soo dhaweeyay Aqalka Madaxtooyada, wuxuuna uga mahadceliyay booqashadiisa Wadanka Kenya.

Madaxweynihii hore ee Mareynkanka Barack Obama ayaa balan qaaday inuu markale soo booqan doono Kenya, kadib mudo 8-sano oo Madaxweyne uu ka ahaa Mareynkanka.

Barrack Obama wuxuu booqashadan ballan qaaday markii ugu danbeysay ee uu Kenya booqanayay sannadkii 2015.

Madaxweyne Kenyatta ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Obama yagleelida Hay’adda Obama “Obama Foundation”, oo awood u siisa dhalinyarada iney noqdaan Wakiilada isbedelka Afrika.

Labada hoggaamiye ayaa isku raacay in dhalinyarada Afrika ay noqon karaan hantida ugu qiimaha badan Qaaradda haddii ay tamar iyo karti fir fircooni la yimaadaan.

Inta uu Mr. Obama ku sugan yahay Kenya wuxuu hirgelin doonaa mashaariic wax tar u leh bulshada Kenya gaar ahaan dhalinyarada, wuxuuna dhisi doonaa Mashruuca Sauti Kuu Foundation oo ka kooban xarun Isboorti iyo xarun tababar iyo khibrad xirfadeed, taasi oo ay waddo walaashiisa, Dr Auma Obama oo ku wehlineysay Madaxtooyada