Obama oo dadka Kenya ugu baaqay Doorasho nabad ah

964

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa ugu baaqay dadka Kenyanka ah inay doortaan hoggaamiyeyaasha saxda ah, xilli maanta ay u dareereen doorashada dalkaas ka dhaceysa.

Obama ayaa si gaar ah ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ninka sida aad aka isaga soo horjeedaan Raila Odinga inay xaqiijiyaan midnimada iyo xasiloonida, si dalka u gaaro mustaqbalka ifaya.

“Waxaa ugu baaqayaa Hoggaamiyeyaasha Kenya inay iska diidaan colaada iyo kicinta, inay xushmeeyaan waxay dadka doonayaan, waxaa ugu baaqayaa ciidamada ammaanka inay dadka kula dhaqmaan si xirfad leh oo dabiici ah”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo shacabka Kenyana ugu baaqay inay si nabad iyo degenansho ku jirta uga qeyb qaataan doorashada.

Waxaa uu sheegay in marqaati ka yahay horumarka layaabka leh ee ay Kenya sameysay, isagoo xusay inuu jeclaan lahaa inuu dib ugu soo laabto Kenya, si uu u arko horumarka iyo kartida ay sameeyeen.

Mr Obama ayaa sheegay in wax walba oo la isku qabto lagu xaliyo sharciga, loona maro hey’addaha sharciga.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama oo aabihii ka soo jeeda Kenya, ayaa ku soo aadaya, iyadoo wal wal iyo cabsi laga qabo in qalalaaso hareeya dalkaas, marka la soo saaro natiijada kama dambeysta ee doorashada madaxtinimada.