Obama oo booqanaya Geeska Afrika

876

Madaxweynihii hore ee Mareykanka barack Obama ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku yimaado dalka Kenya July 16, 2018.

Obama oo hoggaamin-doona wafdi ka kooban 350 qof oo dunida caan ka ah ayaa booqan-doona deegaanka uu ka soo-jeedo ee K’Ogelo, Siaya county, isaga oo daah-furi-doona NGO ay leedahay walaashiis Dr Auma Obama.

Inta uu Kenya jooga, Obama waxaa uu la kulmi-doona madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, iyada oo la siin-doono abaal-marin.

Dadka muhiimka ah ee Obama safarkiisa ku wehliya waxaa ka mid ah Oprah Winfrey, heeshaaga Akon iyo ninka Afrika ugu taajirsan ee Aliko Dangote, waxaa kale oo ku jira dad caan ku ah ganacsiga, kubadda cagta, fanka iyo meelo kale.