NISA oo sheegtay in la qabtay maskaxdii ka dambaysay weerarkii Hotel Saxafi

472

Muqdisho (UM) Hey’ada Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in hawlgal qorsheysan oo ciidanka amniga Soomaaliya ka fuliyeen magaalada Muqdisho lagu soo qabtay ninkii ka dambeeyay weerarkii horrentii bishaan aan ku jirin ee Noveembar lagu qaaday Huteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Qoraal Twitter-ka Hey’ada NISA la soo dhigay ayaa lagu sheegay in ay gacanta ku dhigeen maskaxdii ka dambeysay weeraradii 9 bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Weerarkii Huteel Saxafi ayaa waxa lagu dilay dad badan oo rayid ah isagoo sidoo kalena gaystay burbur hantiyadeed oo badan.

SHARE