
Muqdisho (UM) – Hey’ada nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in iyadoo kaashanaysa shacabka ay gacanta ku soo dhigtay madaxdii hawlgalada qaraxyada Al-Shabaab ee qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ciidanka #NISA oo kaashanaya shacabka ayaa gacanta kusoo dhigay hogaamiyihii howlgalka qaraxyada Alshabab ee maanta shacabka lagu gumaaday iyo wadahii gaarigii danbe oo asagoo ciidanka #NISA gacanta kuhayo qarxay, kadib markii shacabka laga fogeeyay.
— NISA (@HSNQ_NISA) December 22, 2018
Hey’ada NISA ayaa sheegtay sidoo kale in ay qabtay darawalkii wadday gaari labaad oo isagoo gacanta lagu hayo uu qarxay.
Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay weeraradii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Dadka weerarada qaraxyada lagu dilay waxaa ka mid ah wariye Cawil Daahir Salaad oo ka tirsan madaxa iyo wariyayaasha Telefishinka Universal ee magaalada Muqdisho.

























