Ninka qaaday weerarka Buundada London oo dambiyo argagixiso hore loogu helay

581

Ninka weerrarka soo qaadday oo booliisku magaciisa ku sheegay Cismaan Khan oo ah 28 jir, ayaa hore u ahaa maxbuus bannaanka ku joogay damiin waqtiga uu weerrarka dhacayay, kaas oo lagu dilay nin iyo haweeney saddex qof oo kalana waa ay dhaawacmeen.

Khan ayaa waxaa toogasho ku dilay boooliska kaddib markii xubno ka tirsan dadweynaha ay ninkaasi hareereeyeen.

Booliiska ayaa weerarkaasi ku tilmaamay fal argagixiso.

Mas’uuliyiinta ayaa aqoon u lahaa Cismaan Khan, oo waxaa ninkaas falal argagixiso loo xukumay sanaddii 2012-kii, sida uu sheegay taliye ku xigeenka boooliiska London Neil Basu.

Bayaan uu Basu soo saaray ayuu ku sheegay in ninkaasi damaanad xabsiga looga sii daayay bishii Diseembar 2018.

Raisul wasaaraha Britain ayaa Boris Johnson ayaa shegay in muddo dheer uu ku doodi jiray inay qalad tahay in daambiilayaasha halis ah xabsiga laga siidaayo iyada oo uusan waqtiga lagu xukumay u dhammaan.

Booliiska ingiriiska ayaa imika baaritaan ku haya goobtii uu ku noolaa Mr Khan.

Wariye ka tirsan BBC-da oo goobtaas ku sugnaa ayaa sheegay inuu arkayay dadaal ka socday buundada dusheeda, halkaasoo dhowr qof ay isku dayayeen inay xakameeyaan hal nin.

Ka dib askar ka tirsan booliska ayaa si deg deg ah ku gaaray halkaas, waxayna ninka ku rideen dhowr rasaas ah, sida uu sheegay wariyaha.

Faahfaahinta ayaa wali isasoo tareysa, wuxuuna madaxa ciidanka la dagaallanka argagixisada ee UK, oo lagu magacaabo Neil Basu sheegay inay hadda si gaar ah u baarayaan ujeeddada ka dambeysay weerarkaas.

Wuxuu intaas ku daray in saacaddu markii ay ahayd 14:00 – xilliga London – booliska loogu yeeray toorriyeyn ka socotay meel u dhow buundada.

Muuqaal laga duubay dhacdadan ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana laga arkayay nin ay dad shacab ah dhulka ku muquuninayeen.

Nin kale oo dhar suud ah xirnaa ayaa la arkayay isagoo kasii cararaya ninka kale, waxaana sida muuqatay uu heystay toorri weyn.

Mr Basu ayaa shir jaraa’id oo uu warfidiyeenka u qabtay ku yiri: “Nin la tuhunsanaa ayey toogasho ku dileen ciidamo si gaar ah u hubeysan oo ka socday booliska magaalada London, waxaana idiin xaqiijin karaa in ninkaas uu ku dhintay isla goobta”.

Wuxuu dadka reer London ugu baaqay inay ka feejignaadaan dhacdooyinka noocaas ah, ayna booliska si dhakhso ah ugu wargaliyaan wax kasta oo ay ka shakiyaan.

Xarunta tareennada ee ku taalla agagaarka buundada London ayaa la xiray mana jiro dhaqdhaqaaq tareen oo halkaas ka socoda wakhtixaadirkan.

Dad goob joogeyaal ahaa ayaa BBC-da uga warramay waxa ay arkeen.

Amanda Hunter, oo saarneyd bas halkaas marayay ayaa tiri: “Si lama filaan ah, gaarigii wuu istaagay dadkuna waxay sameynayeen dhaqdhaqaaq, anigana daaqadda ayaan ka eegay, waxaana markiiba arkay saddex askari oo ku ordaya ninka xaggiisa”.

“Waxay u muuqatay inuu wax gacanta ku heystay, ma hubo 100%, laakiin mid ka mid ah askartii ayaa toogtay”.

Buundada London ayuu horay uga dhacay weerar kale oo khasaare dhimasho geystay.

3-dii bishii June ee sanadkii 2017-kii, weerar ka dhacay halkaas ayey ku dhinteen 8 ruux, halka tiro badanna ay ku dhaawacmeen.

Weerarkan ugu dambeeyay ayaa yimid xilli 4-tii bishan Novembar lagu dhawaaqay weerarradii argagixsada ee ka dhici jiray UK ay hoos u yara dhaceen.

Xigasho: BBC Somali