Nin xulafo la ah Madaxweyne Trump oo qiray in kaalmada Ukraine lagu xiray shuruud

69
Gordon Sondland oo xulafo la ah Madaxweyne Trump ayaa qiray in kaalmada Ukraine lagu xiray shuruud. Sawirka: AP

Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Mareykanka Gordon Sondland ayaa qiray in kaalmada Ukraine Mareykanku siiyo shuruud looga dhigay in la baaro xiriirka ka dhaxeeya shirkadda tamarta iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Joe Biden.

Gordon Sondland ayaa sheegay in uu la taliye sare ee Madaxweynaha Ukraine kuyiri haddii aan la baarin Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe biden iyo wiilkiisa xiriirka kala dhaxeeya shirkadda Burisima ee tamarta way adkaan doontaa sida lagu sii daayo kaalmada Mareykanka ee Ukraine.

Sondland safiirka Mareykanka u fadhiya Midowga Yurub ayaa horay u dafiray in uu wax ka ogyahay xiriirka ka dhaxeeya kaalmada la hakiyay iyo codsiga Madaxweyne Trump.

Aqalka wakiilada Mareykanka ayaa wada baaritaan uu xilka ku weyn karo Madaxweyne Trump oo ku saabsan wicitaan dhanka taleefoonka oo 25 bisha July ee sannadkaan dhexmaray Madaxweynaha Mareykanka iyo dhiggiisa Ukraine.

Wicitaankaas ayuu Madaxweyne Trump ku cadaadiyay dhiggiisa Ukraine in la baaro wiilka Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe biden oo xubin sare ka ah shirkadda gaaska dalka Ukraine.

Madaxweyne Trump ayaa ka hor wicitaanka Madaxweynaha Ukraine waxa uu hakiyay 400 Milyan oo dollar oo kaalmo milatari ah taas oo lagu taageerayo Ukraine. Xubnaha xisbiga dimuqraadiga ayaa go’aankaas u arkay mid si khaldan loogu isticmaalayo lacagta canshuur bixiyaasha Maraykanka si loo gaaro dano gaar ah.

Waxa kale oo ay xubnaha xisbiga dimuqraadiga ee Congreska soo daayeen marqaati kac uu sameeyay Kurt Volker ergaygii hore ee Madaxweyne Trump u qaabilsanaa dalka Ukraine.

Marqaatiyaal u waramay guddiga baaraya arrinta Ukraine ayaa sheegay in ergaygii Mareykanka ee Ukraine, xogahaya tamarta Mareykanka Rick perry iyo safiirka Mareykanka ee Midowga Yurub Gordon Sondland oo lagu naaneyso sadaxda saaxiib ay masuul ka ahaayeen siyaasadda arrimaha dibadda aan rasmiga ahayn ee Mareykanku kula dhaqmayo Ukraine.

Labo ka mid sadaxda saaxiib ayaa iscasilay oo la kulmay guddiga baaraya, halka midna uu wali ka cagajiidayo in ka marqaati kaco waxa uu ogyahay.

Guddoomiyaha guddiga sirdoonka ee aqalka wakiilada Adam Schif ayaa sheegay in ay dadweynaha u soo bandhigi doonaan qoraalada wicitaanka Madaxweynaha si ay wax uga ogaadaan.

Trump ayaa si weyn uga horyimid baaritaanka, waxa uuna ku tilmaamay mid la doonayo in lagu waxyeeleeyo guushii uu ka gaaray doorashadii sannadkii 2016.

SHARE